Addis-Ababa-RisaalaFM- Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in Deeq waxbarasho ah ay siineyso Ardayda Soomaaliyeed, kadib heshiis dhexmaray Madaxda labada dal.
Deeqdan waxbarasho oo Dowladda Itoobiya ay siineyso Ardayda Soomaaliyeed ayaa waxa ay gaareysaa ilaa waxbrashada ugu sareysa ee Jamaacadda.
Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa kulan uu Magaalada Addis-Ababa kual qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), kadib warbaahinta u sheegay in fursad waxbarasho ah ay siinayaan Ardayda Soomaaliyeed.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Itoobiya ay balan qaad sare u sameysay Ardayda Soomaaliyeed.



