DHAGEYSO: kaluumeysi sharci daraa oo kasocda Warshiiq

Maamulka  degmada Warshiiq ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo la hadlay idaacadda Risaala ee magaalada muqdisho ayaa sheegay in ku dhawaad 6 markab ay si sharci daraa ay degmada ugu kaluumaysanayaan.

Xogahayaha Degmada Warshiiq gobolka Shabeellaha Dhexe  Maxamed Cali  Yuusuf ayaa sheegay in maraakiibta ay kusoo dhawaadeen degmada islamarkaana ay shaqada joojiyeen kaluumaysata Warshiiq .

Maxamed Cali Yuusuf ayaa dowladda Soomaaliya ugu Baaqday in wax ka qabato dhibaatada haysata kaluumaysata .