DHAGEYSO: Jubbaland” Waa Nasiib daro dagaalka Gaalkacyo”

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Suldaan Cabdiqaadir Luga dheere oo la hadlay warbaahinta ayaa madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug ku eedeeyay in ay ka gaabiyeen xalinta Dagaalka Magaalada Gaalkacyo.

Waxa uu sheegay in ay nasiib daro tahay in la dhibaateeyo dadka shacab ah ee kunool Magaalada Gaalkacyo , islmarkaana lagu duldagaalamo.

Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Galmudug ayuu ugu baaqay in ay joojiyaan dagaalka , islamarkaana ay u istaagaan xalinta dagaalada ka socda Magaalada Gaalkacyo.

Maamulka Jubbaland ayuu ugu dambeyntii sheegay in ay ka qeyb qaadan doonaan sidii loo joojin lahaa dagaalka Magaalada Gaalkacyo oo socda muddo ku dhow bil.