DHAGEYSO: Galmudug oo eedeeysay Puntland

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulka Galmudug ay diyaar u yihiin nabadeynta Magaalada Gaalkacyo oo ay maalmihii lasoo dhaafay ku dagaalamayeen maamulada Puntland iyo Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan cid walba oo ka qeyb qaadanaysa joojinta Colaada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Maamulka Puntland ayuu ku eedeeyay in ay wadaan colaada Magaalada Gaalkacyo , isagoona sheegay in Puntland ay qaadanayso waxii ka yimaada dagaalka ka socda Gaalkacyo.

Beesha Caalamka ayuu ugu dambeyntii sheegay Maxamed Xaashi Cabdi Carabay in ay Galmudug kala hadleen sidii loo joojin la haa dagaalka Gaalkacyo.

Muddo ku dhow bil ayaa Magaalada Gaalkacyo waxaa ku dagaalamaaya Maamulada Puntland iyo Galmudug , waxaana ku barakacay dhammaan dadkii kunool magaaladaasi.