Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah u bilaabaysa Barnaamij lagu magacaabo ” Afuri oo hel labo ajar”
Ujeedka Barnaamijkaan laga leeyahay ayaa waxaa uu yahay in bulshada Soomaaliyeed ay Afuriyaan walaalahooda Sooman hadana aan heysan waxyaabo ay ku Afuraan.
Agaasimaha Guud ee Idaacadda Risaala Maxamed Cabdulwahaab Cabdullaahi oo faahfaahiyay Sababta keentay in la baahiyo Barnaamijkaan ayaa waxaa uu sheegay in sanadkaan idaacadda Risaala ay doonayso in la garab istaago dadka Soomaaliyeed ee ay Abaaruhu saameeyeen ee kusoo barakacay gobolka Banaadir.
Agaasimaha ayaa sheegay in dadkaasi ay soomayaan haddana aysan haysanin waxyaabihii ay ku afuri lahaayeen .
Waxaa uu tilmaamay in Barnaamijkaan loogu tala galay dadka Soomaaliyeed ee wax heystaa in ay Afuriyaan walaalahood aan Afurka heysanin.
Dhankale Agaasimaha Guud ee Risaala waxaa uu sheegay in sanadkaan la yareeyay tartamadii kala duwanaa ee idaacadda ay qaban jirtay Sababtuna ay tahay in la caawiyo dadka dhibaateysan ee aan Afurka haysan.
Agaasimaha ayaa Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan Barnaamijkaasi si loo garab istaago dadka aan Afurka iska bixinkarin.
Idaacadda Risaala ayaa waxaa looga bartay soo kordhinta hal abuur cusub , taasoo hormuud noqonta Warbaahinta Soomaaliya.
Barnaamijka ” Afuri oo hel labo ajar” ayaa ah Barnaamijka Soonkaan ay idaacadda Risaala sida weyn ay diirada u saareyso.
Radiorisaala ayaa Sanad guuradeedii Lixaad kula dabaal degtay Barakacayaasha ku sugan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, halkaasi oo ay ugu sameysay Adeegyo Caafimaad.



