Taliyaha amniga Magaalada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose Heybe Axmed C/llaahi ayaa ka warbixiyay howlgalo amniga lagu xaqiijinayo oo ay Ciidamada Maamulka Jubbaland ka wadaan deegaano hoostaga Magaalada Dhoobleey.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in isbuucii labo mar ay howlgalo saacado badan qaata ka sameeyaan Magaalada Dhoobleey iyo deegaanada ku dhow dhow.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay soo gabagabeyn doonaan wejiga koowaad ee howlgalka isla markaana ay xaqiijin doonaan amaanka guud ee Magaalada Dhoobleey.
Al-Shabaab ayaa waxa ay ku sugan yihiin deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, waxaana deegaanadaasi ay kula dagaalamaan Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa AMISOM.


