Allaha u naxariistee waxaa xalay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug lagu dilay Isku duwihii Wasaaradda Qarsheynta iyo xariirka Caalamiga ah ee Puntland Marxuun C/llaahi Maxamed Faarax.
Isku duwaha ayaa lagu dilay Xaafadda Garsoor ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo,waxaana dilka u geystay sida Goob joogeyaal ay sheegeen Kooxo bastoolado ku hubeysan.
Kooxdii Dilka u geysatay Marxuun C/llaahi Maxamed Faarax ayaa ka baxsaday Goobta ay ku dileen.
Gudoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland Xasan Maxamed Qalaf ayaa sheegay in ay ku raad joogaan kooxihii dilka geystay.
Inta lagu guda jiro Bishaan Ramadaan ayaa Dilka Isku duwaha waxaa uu noqonayaa Mas’uulkii Labaad ee Puntland ka tirsan oo Waqooyiga Gaalkacyo lagu dilo,iyadoo Gudoomiyihii Ururka Haweenka gobolka Mudug Dhudi Yuusuf lagu dilay Xaafadda Israac ee magaalada Gaalkacyo.


