Wararka naga soo gaaraya degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidanka dowladda Soomaaliya ay howlgalo culus ka wadaan degmada Xudur ee gobolka Bakool iyo deegaano hoos yimaada.
Saraakiil ka tirsan maamulka Koofur galbeed ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka looga dan leeyahay in shabaab laga saaro deegaanada maamulka Koofur Galbeed inta lagu guda jiro bisha ramadaan.
Sidoo kale howlgalka ayaa ka socda deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Bay oo ay Shabaab gacanta ku hayaan.
Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed ayaa horay u sheegay in shabaab sida ugu dhaqsiyaha badan looga saarayo deegaanada maamulka koofur Galbeed hoos yimaada.
Maamulka Gobolka Bakool ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalka Shabaab looga saaraayo gobolka Bakool.


