DHAGEYSO: Howlgal dad lagu soo qab qabtay

Jalalaqsi-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda Federalka Somaliya iyo kuwa Amisom Degmadaasi ay ka sameeyeen howlgalo amniga Degmada lagu xaqiijinaayay.

Howlgalka ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii xalay Degmada Jalalaqsi uu isku qarxiyay nin la sheegay inuu Shabaab ka tirsan yahay.

Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi Maxamed Cabdulle Fiidow, oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay howlgalka in lagu soo qab qabtay dad fara badan oo ciidamada ay ka shakiyeen, kuwaasi oo baaritaano lagu haayo.

Maxamed Cabdulle Fiidow, ayaa sheegay ruuxii xalay isku qarxiyay Degmada Jalalaqsi kaligiis inuu dhintay, kadib markii uu isku qarxiyay meel maqaayad ah.

Ammaanka Degmada Jalalaqsi ayaa wuxuu sheegay  inuu yahay mid wanaagsan, dadkana aysan dhibaato ka qaadin wixii xalay ka dhacay Degmada.