Boosaaso-RisaalaFM- Saraakiisha Ciidanka ammaanka Magaalada Boosaaso ayaa faah-faahin ka bixiyay amniga Magaaladaasi, kadib dilal dhowaan ka dhacay.
Taliye ku xigeenka Booliska Magaalada Boosaaso Axmed Abshir oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay amaanka Magaalada Boosaaso in uu yahay mid wanaagsan, la iskuna haleyn karo.
Waxa uu sheegay hadii amniga aan laga wada shaqeyn in uusan jiri doonin dhaq dhaqaaq ganacsi, iyo sidoo kale in dadka ay helaaan amni buuxa.
Axmed Abshir Taliye ku xigeenka Booliska Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidanka Ammaanka si looga hortago weerarada Shabaab.


