Muqdisho-RisaalaFM- Haweenka ku jira Guddoonka Aqalka Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka ayaa waxa ay sheegeen in ay ka qeyb qaadanayaan Gurmadka Abaaraha ee ka socda dalka, si loo badbaadiyo dadka u dhimanaya macluusha Abaarta, kadib markii shalay Muqdisho laga xusay maalinta Haweenka 8-da Maarso.
Guddoomiyaha Guddiga Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi ayaa sheegay Gabdhaha ka tirsan Aqalka Sare iyo Gabdho in ay u sheegeen ka qeyb qaadashada Abaaraha ka jira dalka, oo hada ku sii baahaya meelo cusub.
Sidoo kale Cabdi Xaashi Guddoomiyaha Guddiga Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay Abaartan in ay tahay mid daran, loona baahan yahay in aan la isku fiirsan, isagoo sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay gar gaar u fidiyaan walaalahooda.
Macluul dhanka Abaaraha ah ayaa waxa ay ka jiraan dalka gaar ahaan Gobolada, weli ma jiro gar gaar rasmi ah oo Beesha Caalamka iyo Dowladaha saaxiibada la ah Soomaaliya ay soo gaarsiiyaan shacabka Soomaaliyeed, inkastoo ay socdaan dadaalo la doonayo dadkan in loogu gar gaaro.


