Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Dilal xalay ka dhacay xaafada Sanca ee Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir iyo Degaanka Ceelasha Biyaha oo ku yaalla Duleedka Muqdisho.
Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa xalay xaafada Sanca Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Laanta Sahan ee Degmadaasi waxa ay ku dileen Xasan Macalin Taakow (Macalin Shabeelow) oo ahaa Guddoomiyihii Laanta Sahan Waaxda Heegan ee Degmadaasi.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in Ciidanka ammaanka ay ku raadjoogaan raggii ka dambeeyay dilkan, isagoo sidoo kale dilkan ku eedeeyay Shabaab.
Dhanka kale xalay Bartamaha Degaanka Ceelasha-biyaha waxaa lagu toogtay mid ka mid ha Ergadii Xildhibaanada Baarlamaanka ku soo dooratay Degaanada Galmudug, kaasi oo lagu magacaabi jiray C/laahi Kabaweyne.
Maalmahan Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan kuwaasi oo lala beegsanayay Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka, Odayaasha Dhaqanka ee soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Askarta.


