Ciidanka Booliska Maamulka Somaliland ayaa helay meydka Haweenay 5 cisho lagu la’aa degmada Gabiley ee Somaliland.
Booliska degmada ayaa sheegay in haweenaydaasi la dilay ka dibna la qariyay oo muddo dhan Shan cisho ay meydkeeda ka baadi goobayeen Miyiga degmada Gabiley.
Falkaan Naxdinta badan ayaa waxaa uu ka dhacay degaan hoos yimaada degmada Gabilay ee Somaliland.
Cabdi Muuse oo ah Taliyaha ciidanka Booliska degmada Gabiley ayaa wariyeyaasha u sheegay in ciidanka Booliska heleen Meydka , islamarkaana ay sidoo kalena ay gacanta ku soo dhigeen qofkii ka dambeeyay dilka Haweenaydaasi.
Haweenayda la dilay ayaa Ifka kaga tagtay 8 Caruur ah sida uu sheegay Taliyaha ciidanka Booliska Gabiley Cabdi Muuse.


