DHAGEYSO: Gudoomiye Yariisow oo ka hadlay Arin aan looga baran

C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa markii ugu horreysay ka hadlay Maqaamka Caasimadda , waxaana uu sheegay in Shacabka kunool Caasimadda ay heli doonaan Xuquuqdooda Siyaasadeed ee ku aadan Caasimadda.

“Sanadkan waa sanadkii u diyaar garowga doorashooyinka, waa sanadkii dhameystirka dib u eegista, sanadkii maqaamka Muqdisho iyo sidii Muqdisho bulshadeeda uga tashan lahaayeen aayaheeda, ula mid noqon lahaayeen gobolada dalka, waxaan u istaagi doonaa in aan ka dhabeyno in shacabka Muqdisho ay ku helaan matalaad ha noqoto Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka”ayuu yiri Eng. Yariisow.

Tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo, waxaa laga hadlin Maqaamka Caasimadda oo dowladda Soomaaliya ay u aragto in ay tahay mid halis galinkarta Hanaanka Siyaasadda Soomaaliya, Maadaama dowladda dhexe ay degan tahay Muqdisho.

Gudoomiyihii ka horreeyay Yariisow Taabid Cabdi Maxamed ayaa xilkiisa ku waayay raadinta Maqaamka Caasimadda ka dib markuu uu abaabulay Shir looga hadli rabay in Muqdisho ay yeelato Matalaad Siyaasadeed.