Jowhar-RisaalaFM- Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Maamulka Hirshabeele Marwo Canab Axmed Ciise oo warbaahinta la hadashay ayaa waxa ay baaq u dirtay xildhibaanada Maamulkaasi, baaqaas oo ku aadan in xildhibaanada ay si deg deg ah ugu soo laabtaan Degaanada Hirshabeellle gaar ahaan Magaalada Jowhar.
Waxa ay sheegtay Marwo Canab Axmed Ciise oo ah Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Maamulka Hirshabeele in aysan wicin Madaxda Hirshabeelle balse ay wacday oo keliya xildhibaanada, si ay u sii wataan Howsha hortaalla.
Sidoo kale xildhibaanada ayay ugu baaqday 1-da Bisha Febraayo ka hor in ay ku soo gaaraan Magaalada Jowhar, si ay u qabsadaan Howsha u taalla ee Dastuurkooda.
Shalay ayay aheyd markii xildhibaano ka tirsan Maamulka Hirshabeelle ay Madaxda Maamulkaasi ku eedeyeen in ay dayaceen shaqadooda.


