DEG DEG: Weerar ka dhacay Masjid

Canada-RisaalaFM- Masjid ku yaalla Gobolka Kubec ee Dalka Canada ayaa xalay waxaa weerar ku qaaday Dabley Hubeysan, oo tiro ahaan gaarayay 3 nin oo wajiyada ay u duubnaayeen.

Dableydan ayaa weerarka waxa ay qaadeen xilli fiid ah markaas oo Masjidka ay ku dukanayeen dad fara badan, sida ay warbaahinta gudaha u sheegeen Dad goobjoogayaal ah.

Inta la xaqiijiyay weerarkan ayaa waxaa ku dhintay 5 Qof, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen saraakiisha Caafimaadka.

Booliska Dalka Canada ayaa waxa ay sheegeen weerarkan in ay u soo qabteen 2 nin, kuwaas oo laga shakisan yahay, Boolisku weli ma sheegin magacyada nimankan iyo sidoo kale Dadka weerarka lagu Qaarijiyay wadamada ay ka soo kala jeedaan.