Malaayiin qof oo ku nool Geeska Afrika oo qarka u saaran Gaajo

In ka badan 17 milyan oo qof oo ku nool Geeska Afrika ayaa la sheegay inay iminka qarka u saaran tahay Gaajo iyo mcluul aad u ba’an ee xagga Nolasha ah ee dadyowga wadamada Jabuti, Ereteriya, Ethiopia, Kenya, Somaaliya,Ugaandha  iyo labada Sudan.

War uu magaalada ROMA  ee Caasimadda dalka Taliyaaniga ka soo saaray Ururka Cuntada iyo Beeraha ee Qaraamada Midoobay  ayaa daboolka ka qaaday in dhibaatadaasi cunta yaridda ah ee la soo gudb- oonaatay Malaayinkaa qof ay ugu wacan tahay Roob Yaridda  ku habsatay wadamadaasi  ku yaal Geeska Afrika.

Bayaan uu Ururku ka soo saaray Xaruntiisa ee Magaalada ROMA ayuu ku sheegay  in Rooba yaridaasi ku saanaysay wadamada Geeska Afrika ay sababtay abaar aad u ba’an dad oo waxyeelaysay  nolasha dad iyo doonyaba,wuuuna ururka si gaar ah u tilmaamay in dhibaatadaasi ay si weyn u waxyeelaysay wadamada Jabuti, Ereteriya, Ethiopia, Kenya, Somaaliya,Ugaandha  iyo labada Sudan.

Wuxuun a Ururku ku baqay in si dhaqsi ah gargaar bani’aadanimo loola gaaray dadka ku dhaqan wadamadaasi dhibatada ku habsatay, wuxuuna Ururku  sadaaliyay inay sii socon doonto Gaajadaasi  ilaa laga gaaro bisha julay ee Sanadkan 2017ka.