DHAGEYSO: Gudoomiyaha degmada Beled-xaawo oo isku day dil ka badbaaday

Gudoomiyaha degmada beled-xaawo Yuusuf Maxamed C/qaadir ayaa waxaa maanta qarax lagula eegtay degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo.

Gudoomiyaha ayaa waxa uu ka yimid xafiiskiisa shaqo isagoo kusii jeeday hoyga uu ka degnaa magaalada Beled-xaawo.

Qaraxa ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen 2 ka mid ah askartii ilaalilada u ahayd gudoomiyaha, iyadoo askartaasi la geeyay isbitaalka degmada Beled-xaawo.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Beled-xaawo Bile Wufood Ibraahim oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa sheegay in gudoomiyaha uu ka badbaaday Miinada dhulka loogu aasay,Waxaana uu sheegay in ay falkaas ka dambeeyeen ururka Al-shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay howlgallo ka wadaan degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo, iyadoo ay jiraan rag lagu tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen qaraxaasi.