Gudoomiyaha degmada beled Xaawo Yuusuf Maxamed C/qaadir ayaa waxaa maanta qarax lagula eegtay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.
Qaraxa ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen 2 ka mid ah askartii ilaaliyaha u ahayd gudoomiyaha, iyadoo askartaasi la geeyay isbitaalka degmada Beledxaawo.
Gudoomiye ku xigeenka degmada Beledxaawo Bile Wufood Ibraahim oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa sheegay in gudoomiyaha uu ka badbaaday Miinada dhulka loogu aasay,Waxaana uu sheegay in ay falkaas ka dambeeyeen ururka Al-shabaab.


