DHAGEYSO: Guddoonka Golaha Shacabka oo beegsaday saddex xubnood oo caqabad ku ahaa Xukuumadda

Isbedelkii Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu ku sameeyay Guddiga Maaliyadda ayaa lagu beegsaday saddex xubnood oo caqabad ku ahaa Xukuumadda.

Saddexda xubnood ee Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka laga saaray ayaa kala ah Gudoomiyihii Guddiga Cali cabdi cusmaan , Gudoomiye ku xigeenkii Maxamed Aadan Mocalim iyo xoghayihii Guud ee Guddiga Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Saddexddaan xubnood labo ka mid ah waxa ay ahaayeen kuwii horboodaayay warbixintii dhalisay buuqa badan ee ku aadaneyd Musuq lagu eedeeeyay dowladda,halka uu kasoo horjeeday Gudoomiye ku xigeenka Guddiga.