Hiiraan-RisaalaFM- Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay baaritaan adag ku sameeyaan Gawaarida soo galaya Magaalada Baledweyne iyo sidoo kale kuwa ka baxaya.
Cali Jeyte ayaa Ciidamada ku amray in ay fatashaan alaabta saaran Gawaaridaasi, maadaama ay suurta gal tahay in Qaraxyo lagu soo qariyo.
Waxa uu sheegay shacabka Gobolka Hiiraan gaar ahaan kuwa magaalada Beledweyne in looga baahan yahay in ay Ciidamada kala shaqeeyaan xaqiijinta amniga.
Sidoo kale waxa uu sheegay Guddoomiye Jeyte in aysan aqbali doonin in magaalada Beledweyne gudaheeda lagu sameeyo falal la xiriira amni darada, taasi oo qal qal gelineysa shacabka.


