Kenya-RisaalaFM- Shantan dhalinyarada ah oo ka timid degmada Isiolo ayey booliska dalka Kenya xireen ka dib markii ay ugu shakiyeen in ay ku biiri rabeen ururka Al-shabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya, waxaana dhalinyarada gacanta ku soo dhigay ciidamada la dagaalanka argagixisada ee dalka Kenya.
Dhalinyaradan oo looga shakiyay in ay ku biiri rabeen Shabaab ayaa da’adoda waxa ay ka hooseeysaa 20 sano, Saddex ka mid ah dhalinyaran ayaa la xiray shalay halka labo ka mid ah la xiray isbuucii hore ka dib markii la sheegay in ay uga safri rabeen Soomaaliya magaalada Garissa ee gobolka waqooyi Bari ee kenya, sidaasi waxaa sheegay Gudoomiyaha degmada Isiolo George Natembeya,
Gudoomiyaha ayaa intaasi hadalkiisa ku sii daray in Saddex ka mid ah dhalinyarada ay qirteen in ay u safri rabeen Soomaaliya balse markii danbe ay maskaxdooda ay dib u bedeleen.
Dhalinyaradan ayaana lagu wadaa in la horgeeyo Maxkamad si loo xakumo.
Si kastaba ha ahatee ma ahan markii ugu horeeysay oo ay ciidamada dalka Kenya ay qabtaan dhalinyaro kenyan ah oo ku biiri rabay ururka Al-shabaab.


