DHAGEYSO: Guddiga Doorashada “Kama war heyno cabashooyinka Puntland”

Muqdisho-RisaalaFM- Iyadoo dhowaan war ka soo baxay Guddiga Doorashada Puntland lagu sheegay in dhaqaalo daro ay heysato Guddiga ayaa waxaa arrintaasi markii ugu horeysay ka hadlay Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya.

Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in aysan ka war heyn dhaqaalo darada heysata Guddiga Doorashooyinka Puntland islamarkaana aan lagu soo wargelin.

Afhayeenka Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya Maxamed Keynaan ayaa sheegay in aysan la socon Cabashooyinka ka soo baxaya Guddiga Doorashooyinka Puntland.

Waxa uu sheegay in ay diyaarsan yihiin lacago ku filan Doorashada Somaaliya balse ay jiraan Farsamooyin kale oo ku aadan in sidii loogu tala galay aan lacagaha loo maamuleyn.

Dhowaan ayaa war ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka Puntland lagu cadeeyay in dhaqaalo daro awgeed ay u joogsanayaan howlaha Guddiga Doorashada Puntland.

Hay’adda UNDP iyo Hay’adda kale ayaa ka qeyb qaadanaya bixinta lacagaha ku baxaya howlaha Doorashada Soomaaliya, Waxaana jirtay lacago horay loogu qoondeeyay in lagu bixiyo guud ahaan howlaha Doorashada.