Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Qarax khasaare geystay oo duhurnimadii maanta ka dhacay Isgoyska Maana-boolyo ee Degmada Shibis.
Qaraxan ayaa la sheegay in lagu soo xiray Gaari nuuca raaxada ah, oo uu watay nin Askari ah, oo la shaqeynayay Imaaraadka carabta, waxaana ku dhintay Askarigaasi, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 3 ruux oo kale.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/ftaax Cumar Xalane oo la hadlay Risaala ayaa sheegay khasaaraha Qaraxan in uu yahay mid kooban, oo uu ku dhintay 1 Qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 3 ruux oo kale.
Sawiro laga soo qaaday goobta uu Qaraxa ka dhacay ayaa muujinaya bur bur soo gaaray Gaariga Qarxay, waxaana goobta gaaray Ciidanka Amaanka.


