Muqdisho-RisaalaFM- Baarlamaanka Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa deeq Agab Waxbarasho ah gaarsiiyay qaar ka mid ah Iskuulada Waxbarashada ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.
Agabkan Waxbarasho ayaa waxa ay isugu jiraan Buugaag iyo Qalimaan loogu tala galay in Ardayda wax ay ku bartaan gaar ahaan Ardayda aan awoodin in ay iibsadaan agabka Waxbarashada.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Dhalinyarada Soomaaliyeed Yoonis C/raxmaan Maxamuud ayaa ka warbixiyay deeqda ay gaarsiiyeen qaar ka mid ah Iskuulada ku yaalla Magaalada Muqdisho.
Baarlamaanka Dhalinyarada Soomaaliyeed waa baarlamaan ay ku mideysan yihiin Dhalinyaro ka kala yimid dhammaan gobolada dalka Soomaaliya.




