DAAWO SAWIRADA: Qaraxa ka dhacay Shibis

Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa faah faahin faahin dheeraad ah  laga helayaa Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Isgoyska Maan-boolyo ee Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa la sheegay in lagu soo xiray Gaari nuuca raaxada ah, oo uu watay nin Askari ah, oo la shaqeynayay Imaaraadka carabta, waxaana ku dhintay Askarigaasi, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 3 ruux oo kale.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/ftaax Cumar Xalane oo la hadlay Risaala ayaa sheegay khasaaraha Qaraxan in uu yahay mid kooban.

Sawiro laga soo qaaday goobta uu Qaraxa ka dhacaya ayaa muujinaya bur bur soo gaaray Gaariga Qarxay, waxaana goobta gaaray Ciidanka Amaanka.

 

fb_img_1479984333332

fb_img_1479984329862

fb_img_1479984336761