Xildhibaan Cabdulaahi Goodax Barre oo kamid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya soona qabtay xilka wasaarada arimaha gudaha ayaa rajo xumo ka muujiyay doorashada sanadkaan in si nabad ah lagu gaaro.
Xildhibaanka oo ka hadlayay kulan xildhibaanada ay yeesheen ayaa sheegay in ciidamada dowlada Soomaaliya iyo AMISOM ay baneeyeen deegaano iyo degmooyin badan oo Shabeelaha Hoose ka tirsan.
Deegaanada ciidamada isbaheysanaya ay baneeyeen ayuu tilmaamay iney dib u qabsadeen Alshabaab, taasina ay dhalisay rajo xumo ku aadan in faraha ka baxaan magaalooyin kale oo AMISOM ku sugan tahay.
Wuxuu sheegay in Al-shabaab ay weeraro badan ka geysteen degmooyin dhowr ah shan-tii habeen ee ugu dambeysay ayna dhici karto iney magaalooyin kale qabsadaan, taasi oo walwal ku noqoneyso doorashada dhamaadka sanadkaan, sida uu xildhibaanka sheegay.
Bisha sideedaad ee sanadkaan ayaa waxaa ku eg waqtiga hayadaha dowlada ee haatan shaqeeya, waxaana xiligaasi kadib la filayaa iney doorasho ka dhacdo dalka Soomaaliya.


