DHAGEYSO: Galmudug oo eedeysay maamulka Ahlu sunna

Wasiirka amniga ee maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur Taardhuleed oo saxaafada kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa eedeyn u jeediyay maamulka Ahlu sunna ee gobolada Dhexe, isaga oo ku eedeeyay iney amni daro ka wadaan deegaanada Galmudug.

Ahlu sunna ayuu sheegay iney xiligan duulaan ku tahay mid kamid ah beelaha daga gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, taasi oo amni daro ka abuuri karta deegaanada Galmudug, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka wuxuu sheegay in shacabka ku dhaqan deegaanada Galmudug uu masuul ka saaran yahay iney ilaaliyaan amaankooda ayna u dulqaadan doonin wax walbaa oo wax u dhimaya amaanka deegaanada Galmudug.

Shacabka gobolada dhexe ayuu sheegay iney ka daaleen dagaalo dhexdooda ka dhaca, loona baahan yahay in shacabka aan markale lagu dul dagaalamin.

Maamulka Ahlu sunna ayuu ku eedeeyay  iney ciidamo badan geeyeen deegaanada ay maamulaan oo ay doonayeen iney weerar ku qaadan mid kamid ah beelaha daga Galgaduud.