DHAGEYSO: Gen. Gorod oo booqasho ku maraya degaanada Puntland

Garowe-RisaalaFM- Taliyaha Ciidanka xoogga dalka C/wali Jaamac Gorod oo shalay gaaray magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa sheegay inuu booqan doono magaalooyinka qaarkood inta uu ku sugan yahay degaanada Puntland.

Wuxuu sheegay inuu si gaar ah u booqan doono Magaalada Gaalkacyo si xal loogu raadiyo colaada soo laa laabatay ee ka taagan Gaalkacyo, una dhaxeysa Maleeshiyaad ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug.

Wuxuu sheegay inuu qeyb ka noqonayo xal u raadinta Nabadda Gaalkacyo, wuxuuna tilmaamay shacabka in looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan xasiloonida.

Wafdiga Taliyaha ayaa inta ay ku suganbyihiin deegaanada Puntland waxay kormeerid iyo u kuur galid ku samayn doonaan xaalada ciidan, iyagoo booqan doona Talisyada iyo fariisinada ciidamada kala duwan ee Puntland.