DHAGEYSO: Duqeyn Diyaaradeed oo xalay ka dhacday Sh/Hoose

Sh/Hoose-RisaalaFM- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Duqeyn Diyaaradeed oo xalay ka dhacday degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, si gaar ah Duqeynta waxa ay uga dhacday degaanka Mubaarak.

Dadka degaanka ayaa Idaacadda Risaala u sheegay Duqeyntan in ay dhacday xalay 03:00-AM, waxaana ay sheegeen in ay maqleen jugata Duqeynta.

Duqeyntan ayaa timid kadib markii xubno ka tirsan ururka Al-shabaab ay doonayeen in Gaari caasi ah ay ku soo rararaan waxyaabaha qarxa, islamarkaana ay soo saaraan Muus, sida ay inoo sheegeen dadka degaanka.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Duqeyntan, iyo cida sida rasmiga ah u fulisay, inkastoo loo maleynayo in ay ka dambeeyeen DIyaaradaha Mareykanka.