Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Ganacsatada dalka Turkiga loogu baahan yahay in ay mar kale maalgashi ku sameeyaan Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in iminka ay Soomaaliya tahay Dal mudan in la maalgashi maadaama sida uu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya ay tahay dal hodan ku ah Kheyraadka.
Waxa uu tilmaamay ganacsatada Turkiga loogu baahan yahay iney ku dadaalaan iney sida ugu dhaqsiyaha badan u maalgashadaan.
Waxaa iminka Magaalada Muqdisho ku sugan oo ka howl gala Hay’ado Turki ah oo ka qeyb qaadanaya dhismaha iyo hormarinta Xarumaha adeegyada.
Waxaana sidoo kale Magaalada Muqdisho ku sugan dhaqaatiir Turki ah oo ka shaqeeyaa Xarumaha Caafimaadka ee Dalka.