DHAGEYSO: Galmudug “Waxaan qabanay Doon ay wateen Al-shabaab”

Wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug Maxamuud Aaden Cusmaan oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxa uu sheegay in dagaaladii ay maanta kula galeen ururka Al-shabaab deegaanada Galhagiig, Dinooda, iyo Tawfiiq ee bariga gobolka Mudug ay khasaaro halkaasi ugu geysteen.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa dhanka kale waxa uu timaamay in xalay ay qabteen Doon ay wateen horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab kuwaa oo uu ku sheegay in ahaayeen kuwo baxsad ah.

Wasiirka warfaafinta dawlad goboleedka Galmudug Maxamuud Aaden Cusmaan ayaa sheegay in maxaabiis hor leh ay maanta ku qabteen dagaalka ay ciidamada Galmudug la galeen Al-shabaab.

Ciidamada Galmudug ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa ay wadeen hawlgallo ka dhan ah uruka Al-shabaab.