Dagaal ka dhacay magaalada Palmyra

Dagaal u dhexeeya dawladda Suuriya iyo kooxda isku magacawda dowladda Islaamka ayaa ka dhacay gudaha iyo agagaarka Palmyra.

Goobtaasi ayaa ah mid ka mid ah magaalooyinka ugu taariikhda wayn bariga dhexe.

Waxaa jira warar sheegaya in in ciidammada Suuriya oo gacan ka helaya diyaaradaha dagaalka ee Ruushka iyo malayshiyo dawladda taageersan ay dagaal ka wadaan furimo dhawr ah ayna isku dayayaan in ay dib u qabsadaan magaaladaasi oo gacanta u gashay kooxda Dawladda Islaamka sanadkii hore.

Muuqaalo si toos loo soo tabiyay ayaa muujinaya uuro cirka isku shareertay iyadoo taangiyo iyo qoryaha darandooriga u dhaca lagu garaacayo magaalada.

Todobaadkan horaantiisii, ciidammada dawladda Suuriya ayaa dib u qabsaday.