Maamulka Galmudug ayaa sheegay in maamulka kasoo horjeeda Ahlu Sunna ay diyaar u yihiin wadahalo ay la galaan maamulka Galmudug.
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabay ayaa sheegay in dowlad goboleedka Galmudug ay heshiis la gaareen qeybo ka mid ah maamulka Ahluna inta kale la soo afjari doono marka ay bilowdaan wahadalada Galmudug iyo sidoo kale Ahlu Sunna.
Maxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay in bishaan gudaheeda la magacaabi doono guddiyo ka shaqeeya arimaha labada maamul.
Maamulka Ahlusunna oo gacanta ku haya qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud ayaa si weyn uga soo horjeeda maamulka Galmudug oo ay aqoonsantahay dowladda Soomaliya.


