Gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa dhaliilay Guddiga doorashooyinka oo uu dhawaan magacaabay madaxweynaha Soomaaliya.
Faysal Cali ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo la simaday Somaliland maamulka goboleedyada ka jira dalka waxa uuna sheegay in ay taasi tahay wax laga xumaado madaam ay Somaliland tahay dowlad Madax banaan.
Waxa uu ugu baaqay madaxda maamulka Somaliland in ay ka dhiidhiyaan arintaas ayn ka hadlaan madaam uu sheegay in lagu soo xad gudbay qaranimada Somaliland.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan magacaabay guddiga doorashada ,waxaana ka dhex muuqday guddigaasi xubno Somaliland ku matalaaya doorashada.


