DHAGEYSO: Galmudug “Al-shabaab waan ka saareynaa deegaanadeena”

Maamulka Galmudug ayaa faah faahin waxa ay ka bixiyeen dagaalo dhowaanahan ka dhacayay deegaano hoosyimaada degmada Ceel-buur ee gobolka Galgaduud.

Waxaana halkaasi ku dagaalamayay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamada maamulka Galmudug oo gacan ka helayay ciidamada Itoobiya.

Wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug Maxamuud Aadan Cusmaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulkooda ay ka go’antahay sii wadida dagaalka looga soo horjeedo Al-shabaab.

Waxauu hadalkan wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug uu ka shegay xilli shalay golaha wasiirada maamulkaas ay shirk u yeesheen magaalada Cadaao ee gobolka Galgaduud.