Gaalkacyo-RisaalaFM- Magaalada Gaalkacyo qeybta Waqooyi waxaa maanta Aas balaaran loogu sameeyay Eng Cumar Maxamed Cabdulle kaas oo xalay lagu toogtay magaalada Gaalkacyo.
Aaska Marxuumka ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne fara badan kuwaas oo laga dareemayay sida ay uga xun yihiin falka dilka ah ee loo geystay Eng Cumar Dheere.
Gudoomiye ku xigeenka gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan kooxihihii dilay Marxuumka.
Gudoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland Xasan Maxamed Khaliif ayaa sheegay in ay socdaan howlgallo amniga lagu xaqiijinayo, sidoo kalena lagu baadi goobayo gacan ku dhiigliyaashii dilka geystay.
Culimada ka qeyb gashay aaska Marxuumka ayaa ku baaqay in si deg deg ah cadaalada loo horkeeno kooxihii falka dilka ah ugeystay Eng Cumar Dheere.
Ilaa iyo hada lama oga cida dishay maareeyihii shirkadda Isgaarsiinta SOMTEL ee gobolka Mudug Cumar Dheere.


