Gedo-RisaalaFM- Iyadoo gobolka Gedo ay ka taagan tahay xiisad udhaxeysa wasiir ku xigeenka amniga maamulka Jubbaland iyo xildhibaan C/fataax Nuur Mataan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa saraakiishii hore ee ciidamada Militariga dowladdii dhexe waxa ay ku baaqayaan in si deg deg ah loo xaliyo khilaafaadka ka taagan gobolka Gedo.
Korneel C/laahi Faarax Afdheere oo ka mid ah saraakiishii hore ee ciidanka xoogga dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la joojiyo xiisadaha colaadeed ee ka taagan gobolka Gedo oo ay suuragal tahay in dhibaato ay ka soo gaaro shacabka halkaasi ku dhaqan.
Maalmihii udambeeyay waxaa gobolka Gedo ka taagnaa xiisad udhaxeysa wasiir ku xigeenka amniga maamulka Jubbaland iyo xildhibaan C/fataax Nuur Mataan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Waxaana arintaasi ay sababtay in xildhibaan C/fataax Nuur Mataan uu magaalada Beled-xaawo isaga baxo si shacabka dushooda aanan loogu dagaalamin.


