Siyaasiga Faysal Cali Waraabe oo ka mid ah Siyaasiyiinta maamulka Somaliland ayaa ka digay in Shirka dhawaan lagu qabanaayo Magaalada London in cunaqabateynta hubka looga qaado Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in Shirka London Somaliland aysan ogolaan doonin in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta Hubka.
Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Soomaaliya hadii hub la siiyo ay isku leyn doonaan oo ay isku dhibaateyn doonaan.
Mas’uuliyiinta maamulka Somaliland ayuu ugu baaqay in ka hadlaan Shirka London , islamarkaana ay ku dadaalaan sidii looga hortagi lahaa in cunaqabeynta Hubka laga qaado Soomaaliya.
Qodobada Soomaaliya ay la tageyso Shirka London ayaa waxaa ka mid ah sidii cunaqabateynta hubka looga qaadi lahaa Soomaaliya.


