Gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay ka shaqeyn doonaan Caddaaladda.
Waxaa uu tilmaamay in Hay’addaha Garsoorka gobolka Banaadir ay ku sameyn doonaan hubin si muwaadiniinta gobolka Banaadir ay u helaan Caddaalad.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in ay jiraan qorshayaal badan oo lagu xaqiijinaayo Ammaanka degmooyinka gobolka Banaadir.
Waxaana uu tilmaamay in la sameyn doono dhawaan Guddiga Ammaanka gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha ayaa Taabid ayaa sheegay in Guddigaasi ay wax ka qaban doonaan Ilaalada tirada badan ee ay wataan Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.


