DHAGEYSO: Fasaxa xildhibaanada Galmudug oo la kordhiyay

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in fasaxa xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug lagu daray muddo dhan 45 cisho.

Cali Gacal Casir ayaa sheegay in sababta ay tahay abaaraha ka jira degaanada maamulka Galmudug oo xildhibaanada looga baahan yahay in ay ka qeyb qaataan.

Maanta ayaa lagu waday in Magaalada Cadaado uu ka furmo kala fadhiga xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug.