DHAGEYSO: Baarlamaanka Galmudug oo loo diiday in ay shiraan

Xildhibaan Duraan Cali Jaamac oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweyne ku xigeenka Galmudug uu maanta hor istaagay kala fadhigii ay yeelan lahaayeen xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug.

Waxaa uu sheegay in kulanka Baarlamaanka looga hadli lahaa sidii xilka looga qaadi lahaa gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in doonayaan in ay la xisaabtamaan madaxda maamulka Galmudug.

Duraan ayaa sheegay in kulanka Baarlamaanka  ay  hor istaageen ciidamo uu watay  Madaxweyne kuxigeenka Galmudug .