Waxaa Maanta Magaalada Hargeysa lagu aasaya Alle ha u naxariistee Fanaanka caanka ah ee Shey mire Dacar oo shalay gelinkii dambe ku geeriyooday Magaaladaasi.
Aaska fanaanka ayaa waxaa ka qeyb galaya sida uu qorshuhu yahay bahda Fanaaniinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa sugan deegaanada Somaliland, masuuliyiin iyo dad kale.
Caabi Mirre Dacar oo la dhashay fanaanka geeriyooda ayaa Idaacada Risaala ee Muqdisho ugu warbixiyay aaska qaran ee Fanaanka loo sameynayo.
Alle ha u naxariistee Fanaanka caanka ah ee Shey mire Dacar ayaa bilihii dambe ku xanuunsanaayay magaalada Hargeysa, waxa uuna ka mid ahaa fanaaniinta Soomaalida ah ee sida weyn loogu yaqaano Soomaaliya.
Hoos ka Dhageyso Codka:-


