DHAGEYSO: Fanaaniin waa weyn oo Muqdisho soo gaaray

Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaaray Fanaaniinta waa weyn ee kala ah Xasan Aadan Samatar iyo Axmed Cali Cigaal, kuwaasoo 30-kii sano ee lasoo dhaafay dalka ka maqnaa.

Markii ay soo gaareen Muqdisho waxa ay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin in ay maanta yimaadaan Muqdisho, islamarkaana ay tahay meel taariikhi ah.

Fanaaniinta kaleĀ  ee yimid Muqdisho sidoo kale waxaa ka mid ahaa Fanaanka Cawaale Aadan , waxaana ay dhammaantood ka mid ahaayeen Wafdiga Madaxweynaha dalka Jabuuti.

Xasan Aadan Samatar iyo Axmed Cali Cigaal ayaa ka hadlaya dareenkooda ku aadan Imaanshaha Muqdisho.