DHAGEYSO: Faah faahin weerarkii lagu qaaday Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga

Muqdisho-RisaalaFM- Taliska Saldhiga Booliska degmada Xamar Weyne ayaa faah faahin ka bixiyay weerar Qaraxyo ahaa oo xalay lagu qaaday Hoyga magaalada Muqdisho gaar ahaan uu ka degan yahay degmada Xamar Weyne Wasiiru Dowlaha Wasaarada Gaashaandhigga Xukuumada Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa.

Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Xamar Weyne C/qaadir Axmed Nuur Shire oo saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in weerarkaasi uu ku dhintay 1 Ruux sidoo kalena uu ay ku dhaawacmeen ilaa iyo 4 Ruux.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay ciidamada Booliska Xamar Weyne Howlgal ay sameeyeen in ay ku soo qab qabteen 5 Ruux oo hada baaritaano ay ku socdaan.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada Labo Qarax oo xalay lagu weeraray Hoyga magaalada Muqdisho gaar ahaan uu ka degan yahay degmada Xamar Weyne Wasiiru Dowlaha Wasaarada Gaashaandhigga Xukuumada Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa.