Chelsea Oo Diyaarisay Qorshihii Ugu Dambeeyay Oo Ay Kulasoo Wareegeyso Kalidou Koulibaly

Chelsea ayaa weli aan Ka Quusan saxiixa Kalidou Koulibaly, iyadoo Ugu yaraan,lacagta sare u qaadi doonta sida laga soo xigtay Gazzetta dello Sport.

Kooxda reer London ayaa aad u doonaysa daafac dhexe oo cusub ka hor xiritaanka suuqa kala iibsiga, waxaaba bartilmaameedka ugu dhaw uu yahay daafaca reer Senegal iyo kooxda Napoli,

Ciyaaryahanka ayaa sheegay inuu doonayo inuu ka tago xilli ciyaareedkaan kooxdiisa, laakiin Napoli ayaa cadeeysay in Chelsea ay bixiyaan qiimaha laga doonayo.

Wargeyska Talyaaniga ayaa sheekadiisa raaciyay in kooxda Stamford Bridge laga doonayo qiimo € 55 milyan + € 3m, sida lagu xusay warbaxinta Gazzetta.

Madaxweynaha kooxda Napoli Aurelio De Laurentiis ayaa laga yaabaa inuu u ogaalado Chelsea saxiixa Koulibaly, madaama xiddiga uu diiday inuu heshiiska u kordhiyo kooxdiisa xili ciyaareedkaan.