DHAGEYSO: Faah faahin laga helayo madaafiicdii xalay ku dhacday Xamar Jajab

Madaafiic ku dhacday xaafado ka tirsan degmada Xamar Jajab ayaa xalay waxa ay khasaare gaarsiiyeen dad rayid ah oo ku noolaa xaafadaasi.

4 ruux ayaa inta la xaqiijiyay ku geeriyootey halka 14 kalana ay ku dhaawacmeen sida maamulka degmada Xamar Jajab ay warbaahinta Risaala u sheegeen.

Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay sameeyeen howlgallo kala duwan, waxaana ay soo qab qabteen dad la xiriirinayo hoobiyeyaashii xalay ku dhacay degmada Xamar Jajab.

Gaadiid la sheegay in loo adeegsanayay hoobiyaashii Muqdisho ka dhacayay iyo 4 ruux oo la socotay ayaa ciidamada dowladda waxa ay ku qabteen wadada Makkah Al-Mukarama.

Taliyaha ciidamada booliska gobolka Banaadir Cali Xirsi Barre ayaa oo warbaainta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka ay ciidamada booliska uqabteen kooxihii xalay madaafiicda soo riday.

Booliska Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in wali ay baadi goobayaan kooxo kale oo xiriir la leh kooxdan la qabtay.