DHAGEYSO: Faah faahin laga helayo dhaawicii gudoomiyaha Baraawe

Wararka ka imaanaya magaalada Baraawe ee gobolka SHabeelaha Hoose ayaa sheegaya in gudoomiyahaasi Xuseen Bare Maxamed Xuseen Jeex uu ku dhaawacmay qarax.

Qaraxaan oo ahaa bambada gacanta lagu tuuro ayaa lagu weeraray gudoomiyaha xilli uu ku sugnaa xafiiskiisa dhaawac aan sidaa u sii buurneen ayaa ka soo gaaray qaraxaasi gudoomiyaha.

Taliye ku xigeenka degmada baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose Xiddig Cusmaan Maxamed Aadan Diinsoor oo la hadlay Idaacadda Risaala ee magaalada muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in ay sameeyeen howlgalo ay dad kusoo qab qabteen kuwaas oo lagu sameynayo baaritaano.

Waxaana uu sidoo kale taliyuhu uu sheegay in mararka qaar ay iska dhacaan falalkaan oo kale.

Iyaadoo oo uu taliyuhu uu tilmaamay in xafiiska gudoomiyaha degmada baraawe uu iridkiisa hore lagu tuuray bambada.

Masuuliyiinta degmada Baraawe ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen ninkii ka danbeeeyay qaraxa lagu weeraray gudoomiyaha dagmada Baraawe ee gobolka SHabeelaha Hoose.