DHAGEYSO: Maamulka SH/Hoose oo ka hadlay qaraxii ka dhacay Baraawe

Taliye ku xigeenka degmada Baraawe ee gobola Shabeelaha Hoose Xiddigle Cusmaan Maxamed Aadan Diinsoor ayaa waxaa uu ka halday qaraxii maanta lala beegsaday gudoomiyaha degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose Xuseen Bare Maxamed Xuseen Jeex.

Taliyaha ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in howlgalo dad lagu soo qab qabtay ay ka sameeyeen halkaas, iyadoona baaritaano lagu wado dadkii lasoo qabtay.