Daafaca kooxda Paris Saint-Germain Marquinhos ayaa aad ugu faraxsan in ay xiiso u qabto kooxda Barcelona,
21 sano jirkaan ayaa la rumaysanyahay in uu xagaagan diirada u saaranyahay kooxda leer Catalonia Ee barcelona,
waxaan aad ugu faraxsanahy in kooxaha waa wayn sida Barcelona ay iisoo Bandhigaan xiisaha Ay ii qabaan, Marquinhos usheegay Globo Esporte. sidaas , waxaana Qiimayn doonaa sida ay xaaladu noqoto Dhamaadka Xili Ciyaareedkaan.
Barcelona waa koox wayn oo ku guulaysatay xili Ciyaareedkii lasoo dhaafay koobka Champions League, waan ku faraxsanahay in la ila xariisho waxay i tusinaysaa in aan qabtay Shaqo wanaagsan.
haatan waxaan xooga saarayaa in aan shaqo fiican u qabto Kooxdayda PSG ilaa dhamaad Xili Ciyaareedkan Kadibne waan Arki doonaa wixii Dhaca.
Marquinhos ayaa PSG uga Soo biiray Roma Xili Ciyaareedkii 2013


